Ku laabo bogga hore

SUDEEFNIMADA SABAB-LA’AAN DHACDEY

as

Dhagayso maqaalkaanSUDEEFNIMADA SABAB-LA’AAN DHACDEY

Ereyadaas quraanka ah waa aayadda 15-aad ee suuradda Al-Mulki. Waxay yihiin bayaan la-yaab badan oo tilmaamaya in Eebe uusan ugu tala-gelin in qof sabool ah uu ku noolaado dunida. Hannaanka dhaqaale (economic system) iyo hannaanka maaliyadeed (financial system) ee bulshadu ay ku dhaqanto ayaa ah midda saboolnimada sababta. Laakiin boqorka aanan saamiga uunka lala wadaagin, intuusan aadanaha abuurin ayuu u diyaariyey wax walba oo baahi tiri-lahaa. Aayaddu waxay inoo tilmaameysaa xeer asluubeysan oo lagaga badbaado sandaleellada ay saboolnimadu leedahay. Waxay tilmaameysaa faham ballaaran oo leynaga-doonayo garashadeeda, kaas oo ah in dhulkan leynoo dulleeyey.

Haddaba si aanu u fahamno in saboolnimadu ay tahay garaadka iyo fekerka oo ayan ahayn dhulka iyo degaanka. Aynu isla eegno galladaha gaarka ah iyo nicmooyinka Eebe innagu manneystey ee aanu dhabarka u jeediney, kadib markii ay garashadii luntey. Waxaanu tusaale-dhig u soo qaadaneynaa is barbar-dhig arimo kamid ah hantida ma-guurtada ah oo ay lee-yihiin laba dal. Waa dalka dunida ugu hodansan oo ah Qatar, kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu gaarayo 100.000 oo doollar iyo dalka dunida ugu saboolsan kaas oo dakhliga qofkiisa ee sanadkii uu ka yar-yahay 1000 doollar. Hoos ka dheeho jadwalkii is barbad-dhigga, dabadeed qiimeey labada dad qoladeebaa heysata dheeriga Eebe (kor ahaaye) iyo fadligiisa :