Afar dareen oo la rabo inaan Quraanka ku akhrinno si aan dheeftiisa u helno د. أحمد عبد المنعم

Afar dareen oo la rabo inaan Quraanka ku akhrinno si aan dheeftiisa u helno
د. أحمد عبد المنعم
Qodobka koowaad, waa dareenka baahida, waa inaad si dhab ah u dareentaa inaad u baahan tahay waxyiga. Waxyiga la’aantiis waxaad ku jirtaa jahwareer, mugdi iyo harraad ruuxi ah; wax kasta oo kugu hareeraysanna waxay noqonayaan dhabbayaal khaldan haddii uusan waxyigu ku hagin.
Arrinkaan ma ahan inuu noqdo hadal la iska yiraahdo oo keliya, ee waa inuu noqdaa wax aad noloshaada si dhab ah uga dareento. Marka aad muddo ka fogaato Qur’aanka, waa inaad dareentaa inaad dhex fadhido, jahwareer iyo mugdi. Sababtoo ah Qur’aanku wuxuu inoo sheegay in shaqadiisu tahay inuu dadka mugdiyada uu ka saaro oo iftiinka uu u saaro, haddii la noolaanshaha Quraanku naga maqanyahayna mugdi ayaan ku jirnaa.
Haddii qofku aaminsanyahay inuu qabo cudur daawadiisa la heli karo, dadaal xooggan ayuu ku bixinayaa raadinta daawadaas, si walba oo uu ku heli karana wuu sameynayaa sababtoo ah wuxuu dareemayaa inuu si dhab ah ugu baahanyahay. Sidaas darteed, dareenka baahidu waa inuu qalbigaaga ku jiraa. Inta uu dareenkaasi xoog badan yahay, ayuu dadaalkaaguna la ekanayaa.
Qodobka labaad waa dareenka ku-filnaanshaha. Qofku markuu ku dadaalayo raadinta daawada uu u baahanyahay wuxuu aaminsanyahay inay daawadaasi ay ku filantahay , sidaas oo kale, Qur’aanku ma ahan waxaan u baahannahay oo kaliya ee; waa inaan rumaysnaanaa inuu yahay hanuun nagu filan.
Ku-filnaanshahani ma aha mid qalalan oo sababaya inaad Qur’aanka ula dhaqanto sidii daawo qaraar oo qasab lagu liqayo ee waxaa la socda;raalli ahaansho, farxad iyo mahadnaq. Waxaad ku faraxsan tahay nimcada Qur’aanka, waxaadna Alle uga mahadnaqaysaa inuu kuu soo dejiyey.
Alle wuxuu leeyahay:
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلَ عَلَىٰ عَبْدِهِ ٱلْكِتَـٰبَ
« Ammaan oo idil iyo mahad waxaa leh Allaah oo ku soo dejiyey addoonkiisa Kitaabka (Qur’aanka)»
Suuratul-Kahf, oo ka hadasha noocyo kala duwan oo fitnooyin ah waxay ku bilaabataa mahadnaq ku saabsan nimcada Qur’aanka. Sababtu waa in fitnooyinkaas aan laga badbaadi karin waxyiga la’aantiis.
Qodobka saddexaad waa inaad waxyiga ula dhaqanno sidii xaqiiqooyin sugan.Wax kasta oo Qur’aanku sheegay ma ahan fikrado u baahan dib-u-eegis ama berri la burin karo ee waa xaqiiqooyin sugan oo aan is baddelayn.
Qodobka afraadna waa ku-dhaqanka, tani waa waxa Qur’aanka ka dhigaya mid ka duwan aqoon kasta oo kale. Miraha dhabta ah ee Qur’aanku waxay soo baxaan marka waxa aad baratay aad u beddesho camal iyo waxqabad la taaban karo.
Waxaad marka hore dareentay inaad u baahan tahay Qur’aanka; dabadeed waxaad ku qancday inuu kugu filan yahay; dabadeed waxaad rumaysatay inaad la macaamilayso xaqiiqooyin sugan; ugu dambaynna waa inaad xaqiiqooyinkaas dhaqan gelisaa.
Ma aha in Qur’aanku ku ekaado aqoon maskaxda ku jirta. Waa inuu noqdaa xaqiiqo ka muuqata akhlaaqdaada, go’aannadaada, dhaqankaaga iyo nolol maalmeedkaaga.
Waxaa laga wariyey Caa’isha رضي الله عنها iyadoo ka hadlaysa Nabiga ﷺ:
Dhaqanka iyo dabeecadda Nabiga ﷺ waxay aheyd (sida uu amray) Qur’aanka Kariimka ah
Afartaan macne qofku hadduu maanka galiyo markuu Quraanka akhrinayo,wax weyn ayaa iska beddelaya sida aad ula macaamilayo waxyiga. See less
Newsletter