Talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan barashada Quraanka

Talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan barashada Quraanka - 1
Alle wuxuu marar badan sheegay tilmaamaha qiimaha leh ee kitaabkan uu leeyahay, wuxuuna ku tilmaamay mid ah: hanuun, barako leh, jidka toosan kugu hagaya, iyo tilmaamo kale oo badan. Tilmaamahaanna waxay muujinayaan in Alle doonayo inaan Quraanka si dhab ah u eegno oo qiimaha uu mudan yahay aan siinno.
Hanuun iyo wanaag kasta oo Nabigu ﷺ haystay, wuxuu ka yimid ku hanuunidda kitaabkan wayn.
قُلْ إِن ضَلَلْتُ فَإِنَّمَا أَضِلُّ عَلَىٰ نَفْسِي ۖ وَإِنِ اهْتَدَيْتُ فَبِمَا يُوحِي إِلَيَ رَبِّي ۚ
Sidaa darteed, qofkii jecel Nabiga ﷺ, doonayana inuu ku daydo oo raaco hanuunkiisa, waa inuu si adag ugu dhegaa Qur’aankaan weyn. Hanuunka aan noloshan ka helayno wuxuu la egyahay inta aan Qur’aanka u soo jeesanno, oo aan ku samirno barashadiisa, ku dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa.
Dad badan waxay sanado badan u samraan si ay u qaataan shahaadooyin sare, balse waxaa lama huraan ah inaan ogaanno in Quraanku yahay cilmiga kan ugu wanaagsan, ugu sarreeya uguna faa’iidada badan. Quraanka ayaana ka mudan wax walba oo kale in waqti lagu bixiyo. Taas micnaheedu ma'ahan in aqoonta kale aan la baran, balse waa inaad: ka dhigto waqtigaaga firaaqada oo dhan mid u jihaysan barashada Qur’aanka.
Barashada Quraanku kuma xirna inaad xifdi badan tahay, ama firaaqo badan leedahay, ama arday diinta barta aad tahay; ee wuxuu u baahan yahay niyad daacad ah, go’aan adag, dadaal iyo samir oo aysan ku joojin caqabadda ugu horraysa ee ku qabsata.
Barashada Quraanku kuma koobna kaliya xifdintiisa oo waxaa jira noocya badan oo ka mid ah barashada Quraanka balse xifdigu waa nooca ugu badan ee musxafka sida maalinlaha ah kuugu xiraya, waana midda aan doonaynayn bilowga; in Quraanku noqdo waxa ugu badan ee aad maalintii la nooshahay marka laga tago waajibaadka, markaaas kadib ayay imaan doonaan noocyada kale ee barashada Quraanku, sidaas darteed ayay muxaadaradaan inteeda badan ugu saabsantahay xifdiga.
Qodobo kaa caawinaya barashada Quraanka:
1. Garashada qiimaha Quraanka: mar walba waa inay hortaada taallo fadliga barashada Quraanka. Alle agtiisa, dadka waxaa ugu khayr badan midka Quraanka barashadiisa ku samra, kadibna faafiya. Alle agtiisana, dadku waxay ku kala sarreeyaan hadba inta ay le’eg tahay ahmiyadda ay Quraanka siiyaan oo ay ku dhaqmaan. Insaanku markuu arko darajooyin sare oo Jannada ah oo uu awooday inuu gaaro hadduu Quraanka ahmiyad weyn siiyo, balse uu ka caajisay, shaki ma leh inuu shalayn doono.
2. Daacadnimo iyo dar Alle inaad u baratid: Ikhlaasku wuu sahlan yahay marka laga wado in qofku Alle ajar ka xisaabsado, balse midka nagala rabo waa inaadan dan ka yeelan in qof ogaado dadaalka aad ku bixinayso kitaabkan; sababtoo ah dhib iyo dheef midna kuuma hayaan dadku. Sidoo kale, Alle wuxuu kugu xisaabin doonaa waxa uu kaa ogyahay, ee kuguma xisaabin doono waxa dadku kaa ogyahay.
Ujeedka kaliya ee Quraanka aad u baranayso ha noqdo raadinta waxa Ilaahay agtiisa yaalla; oo kaliya waxa Alle agtiisa yaalla ayaa khayr badan oo waaraya, waxa aadanuhu haystana way suulayaan.
3. Qofka guul ka gaaray barashada Quraanku waa midka aan joojin barashadiisa. Inaad xifdisid ama cod wanaagsan leedahay waa arrimo kale, balse muhiimaddu waa inaad waddo barashadiisa. Ilaa aad Alle kala kulmayso waa inaad arday Quraan noqotid; xifdi ama ha xifdin, mushkilad ma leh, muhiimaddu waa inaad ku samirto doonistiisa.
4. Quraanku waa mashruuca nolosha; bilow ayuu leeyahay, ee dhammaad ma leh. Lama mid aha koorso Computer ama luuqad aad baranayso. Alle wuxuu Nabiga ﷺ ku yiri:
وَقُل رَّبِّ زِدْنِي عِلْمًا
5. Waqtigaaga firaaqada ah oo dhan waa inaad siisid Quraanka (xifdin, dhagaysi, inaad ku tukatid, ama dad aad bartid). Musxaf u qaado goobtaada waxbarashada ama shaqada; inta aad jidka ku sii jirto, ama marka kasta oo aad firaaqo heshid, gali Quraanka. Taleefoonka waxa ku badan waxyaabaha qofka mashquuliya; sidaas darteed, qofku inuu musxafka ku xirnaado ayaa habboon, oo uusan taleefoonka ka akhrin Quraanka.
Haddii uu Alle kaa arko in waqtiga aad u heli karto oo dhan aad ku bixinayso xifdinta, dhagaysiga, baridda iyo barashada Quraanka, dadaalkaas aad ku bixinayso in le’eg ayuu Alle kugu kaalmayn doonaa arrimahaas; sababtoo ah Eebbe waa mid deeq badan.
6. Waxa aad haysato ku bilow; shardi ha ku xirin barashada Quraanka, hana sugin inta ay wax iskugu kaa toosayaan. Inaad macallin fiican heshid, ama meel hebel aad tagtid, ama sanad hebel la gaaro iwm, midna shardi ha uga dhigin barashada Quraanka. Yaysan jirin wax Quraanka kaa hor istaaga. Haddii aadan macallin haysan, saaxiibkaa ama walaalkaa “iga dhagayso” ku dheh, ama internetka ka raadso asxaab wanaagsan, ama cajaladaha culimadu duubeen ka dhagayso; waxa aad awooddo ku bilow.
7. Ha sugin cid ku dhiirrigelisa ama kula xisaabtanta; ee adigu naftaada dhiirrigeli, la xisaabtan, haddii ay wanaagsanaatana abaalmari. Shaki ma leh qofku cid dhiirrigelisa wuu u baahan yahay, balse inaad dadka kale si dhammaystiran ugu tiirsanaato waa daciifnimo. Mu’minkuna waa mid wixii dantiisu ku jirto ku dadaala. Qofka kale dariiqa wuu ku tilmaami karaa wuuna kula talin karaa, balse shaqadii adiga lagaa rabay kuuma qaban karo.
احرص على ما ينفعك
Tusaale: haddii aad firaaqo heshid, ha sugin qof ku dhaha “musxafka qabso”, sababtoo ah waa mashruucaagii la rabay adigu inaad isku xilqaantid.
Haddii aad adigu dayacdo hadafkaaga, dadku way ku mashquulin doonaan; balse haddii hadafkaagu kuu caddahay, kitaabkaanna aad qaddariso, qofkii sheeko kula soo doontana aadan la sii wadin, ujeedkaaga waad xaqiijin kartaa. Kana digtoonow: waddada dayacu waxay ka bilaabataa hal tallaabo, dadkuna waxay waqtigaaga ka qaadanayaan inta aad adigu ka dayacdo.
8. Hadda bilow, dib ha u dhigin. Khaladaadka ugu weyn ee qofku sameeyo waa inuu dib u dhigo waqtiga bilaabashada mashruucyada uu rabo: “Sabtida ayaan bilaabayaa, mayee xagaaga, mayee…” Nabigu ﷺ wuxuu yiri: u degdega camallada wanaagsan. Qofka Alle sida wanaagsan uu waafajiyay waa midka marka uu arko camal wanaagsan u degdega samayntiisa. Camal wanaagsan oo aad awooddo inaad samayso, haddii aad dib u dhigto samayntiisa, waxaa laga yaabaa in marka dambe lagaa hor istaago samayntiisa oo aad awoodi waysid.
.واعلموا أن الله يحول بين المرء وقلبه
{Ogaada—mu’miniineey—in Alle sarreeye yahay midka ku tasarrufa wax kasta, awoodana in uu kala dhexgalo qofka iyo waxa qalbigiisu jecel yahay}
Hana raadin sabab aad u hakiso bilowga barashada Qur’aanka. Haddii aad haysato qof kaa dhagaysanaya, ama aad dhagaysan karto mid ka mid ah culimada ku xeeldheer akhriska Qur’aanka sida: Al-Xusari, Al-Banna, Al-Minshaawi, Cabdulbaasit, dhegayso oo bilow, Allena talo saaro.
Sheekhu wuxuu tilmaamayaa inuu markii uu Quraanka xifdinayay uu waayay cid macallin u noqota, balse uusan hakin; ee uu Sh. Xusari dhagaysan jiray ilaa uu dhammeeyay Quraanka. Markuu dhammeeyay kadibna, Alle wuxuu si kedis ah ugu sahlay sheekh asaaniid sare haysta.
Inta aad ku jirtid dhabbaha barashada Quraanka, waxaad la kulmi doontaa caqabado badan; hadday noqon lahayd dad kaa niyad-jabiya hadafkaaga, ama waayidda cid kugu kaalmaysa, ama mashquulka internetka oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee da’yarta casrigan haysta. Cimrigii la rabay inay ku dallacaan oo darajooyin sare adduun iyo aakhiraba ku helaan ayay ku dayaceen micno-darrada baraha bulshada taalla iyo dhex-dabaalashada mowjadaha macno-la’aanta ee trend-ga iyo wararka.
Caqabadahaas oo dhan waxaa lama huraan ah adkaysi iyo dulqaad inaad uga gudubto.
9. Sidoo kale, waxaa lama huraan ah in qofku samaysto asxaab wanaagsan oo wanaagga ku kaalmaysa. Dadka kugu xeeran, shakhsiyaddaada iyo hamigaagaba saamayn weyn ayay ku leeyihiin. Imisa ayaa insaan dhex dabaalanayay mowjadaha micno-darrada, markii uu asxaab wanaagsan la saaxiibay is beddelay, hami sarena yeeshay, kuna mashquulay arrimaha waaweyn ee nafciga u leh adduun iyo aakhiraba. Cid walba oo aan hadafkaaga kugu kaalmaynayn ka fogaaw.
Qaybta kale ee muxaadarada wuxuuu sheekhu uga hadlayaa talooyin ku saabsan habka ugu habboon ee aan u xifdin karno Quraanka iyo sugidda iyo fara ku haynta xifdigaas, post kale ayaan ka soo dhigi doonaa qeybtaas insha Allah
Newsletter