Ragganimooy maxaad ahayd?

Ragannimada Dhabta ah waa maxay?
Soo koobidda muxaadarada Sh Axmad Saalim
Muuqaal lab ama cod inuu qofku leeyahay ma qeexayso ragganimadiisa. Ragganimadu intaas waa ka ballaarantahay, waa masuuliyadda uu qofku qaadayo, siduu naftiisa u xakamaynayo iyo raadka uu dunida kaga tagayo.
Nin jir ahaan nin ahaan u dhashay laakiin aan go’aan qaadan karin, aan naftiisa xakamayn karin, qoyskiisa aan daryeeli karin, xaqa uu rumaysanyahay aan difaaci karin, aqoon iyo xirfadna aan dadka ku anfici karin, ragannimadiisu weli waxay ku kooban muuqaal oo kaliya. Ragannimada dhabta ahi waxay bilaabataa marka awoodda qofka ku jirta loo beddelo mas’uuliyad, akhlaaq iyo ficil.
Sannadaha ugu horreeya hooyadu waxay dhistaa qayb weyn oo shakhsiyadda ilmaha ah(Sida jacaylka, naxariista, luuqadda iyo kalsoonida iwm) Laakiin marka wiilku wax yar uu koro, wuxuu si gaar ah ugu baahan yahay rag uu ka arko sida masuuliyadda loo qaado iyo sida hab dhaqanka ragganimada loogu dabaqo waaqica.
Waa mushkilad weyn in aabuhu asagoo guriga jooga uusan tarabiyada caruurta waxba ku darsan, oo ilmuhu uusan ka baran sida go’aan loo qaato, dhibtaada loo wajaho, ballanta loo ilaaliyo, lacagta loo maareeyo, shaqo loo qabto ama qoyska loo daryeelo.
Ragannimada hadal keliya laguma gudbiyo. Wiilku wuxuu u baahan yahay aabbe uu masaajidka la aado, hawlaha uu la qabto, safar uu la galo, shaqo uu ka barto, khaladkiisana ka saxa. Wuxuu u baahan yahay inuu masuuliyadaha yar-yar uu hadda qaado, si uu markuu weynaado masuuliyadaha waaweyn u qaado.
Haddii wiilku aan helin aabbe ama rag wanaagsan oo haga, booskaas banaan waxaa u buuxin doona saaxiibbada, filimada iyo baraha bulshada iwm. Halkaas ayuu ka raadinayaa jawaabaha su’aalo ay ahayd inuu nolosha dhabta ah uu ka barto oo uu ka heli rag isaga masuul ka ah.
Ragannimada dhabta ah waxay ka koobantahay 4 awoodood oo isku dheeli tiran isna dhammaystiraya: Boqor, Dagaalyahan, Aqoonyahan iyo Gacal.
1)Ninka ragga ah mar waa Boqor, marka hore wuxuu boqor u yahay naftiisa,Qof aan naftiisa maamuli karin way ku adkaanaysaa inuu dad kale masuul ka noqdo. Boqorku wuxuu dejiyaa jihada, Halkee ayaan u socdaa? Maxaan doonayaa inaan dhiso? Maxaa muhiim noo ah? Sideen ku gaari karaa?
Hoggaaminta qoysku ma aha canaan, amar iyo awood sheegad ee hoggaaminta saxada ah waa in la dejiyo xuduud caddaalad ku sallaysan oo la daboolo baahiyaha qoyska, garab istaag iyo dhiirigalinno la siiyo dadka la hoggaminayo. Boqorka wanaagsan waa ad-adag yahay marka loo baahan yahay, laakiin wax ma dulmiyo.. Marka awooddan la waayo waxaa soo baxa nin aan go’aan lahayn; marka lagu talaxtagana waxaa soo baxa kaligii taliye dadka gumaysta..
2)Dagaalyahan: Waa awoodda ninka siinaysa inuu dhaqaaqo oo ficil uu la yimaado, himiladiisana uu u halgamo. Noloshu waa wada halgan , iyo goob dagaal, mar nafta ayaad la dagaalaysa marna shaqada mar ilaalinta qoyska ayaad u halgamaysaa, marna ilaalinta xaqa iyo qiyamka ummada.
Dagaalyahanka dagaal walba iskuma dhex tuuro,wuxuu garanayaa awooddiisa, xuduudiisa iyo waxa mudan in loo halgamo. Geesinimadu ma aha cabsi la’aan; waa in qofku sameeyo waxa saxda ah iyadoo ay jiri karto inuu cabsi dareemyo.
Laakiin geesinimo aan naxariis lahayn waxay isu beddeli kartaa gaboodfal iyo gardarro. Ninka dadka ka tabarta yar bahdila,oo qoyskiisa u awood sheegta oo cabsi galiya , ragganimo ka dheer.
**3) Aqoonyahan:** Nin kastaa uma baahna inuu noqdo caalim ama dhakhtar, laakiin wuxuu u baahan yahay inuu yeesho wax uu si wanaagsan u yaqaan oo dadka anfaca.
Nin ayaa ganacsiga bartay mid kalana diinta ama tiknoolajiyadda iwm , kala duwanaantaasu waa jiraysa balse waxaa muhiim ah in qofku yeesho aqoon uu dhibaato bulashada haysata uu ku xallin karo. Aqoontaasna waa inay akhlaaqdu hagtaa, oo aqoon aan damiir lahayn waxay isu beddeli kartaa qalab dadka lagu marin habaabiyo.
**4) Gacal;** Dareen naxariis iyo jacayl ayuu leeyahay. Waa jacaylka Alle, qoyska, carruurta, xaaska, saaxiibbada, aqoonta, shaqada, waxyaabaha quruxda badan ee ifka yaalla..
Ragannimadu ma ahan qallafsanaan iyo qalbi dhagax ah. Ninka awoodda leh laakiin bilaa naxariista ah wuxuu si fudud u noqon karaa daalim. Dagaalyahan aan dareen jacayl lahayn wuxuu noqon karaa mid burbur uun ka shaqeeya. Aqoonyahan aan dareen lahaynna dadka wuxuu ula dhaqmi karaa sidii qalabkii.
Dhanka kale, jacayl iyo raaxada xad-dhaafka ah waxay isu beddeli karaan balwad xun. Cunto, xiriir, galmo, wax iibsi, madadaalo ama hiwaayad kasta ayaa qofku addoon u noqon karaa haddii uusan naftiisa xakamayn. Sidaas darteed ninka ragga dareen jacayl iyo naxariis iyo doonis raaxo ayuu leeyahay balse iyagu ma hagaan.
Afartaas awoodood waxay isku dhammaystiraan ninka.
**Boqorku** wuxuu weydiiyaa: *Halkee ayaan u soconnaa?*
**Aqoonyahanku** wuxuu weydiiyaa: *Sidee ayaan halkaas ku gaari karnaa?*
**Dagaalyahanku** wuxuu yiraahdaa: *Waan dhaqaaqayaa oo waan fulinayaa.*
**Gacaliyuhuna** wuxuu xusuusinayaa: *Maxay tani muhiim u tahay, yaanse u samaynayaa?*
Haddii hoggaanku maqnaado, jihada ayaa lunta. Haddii geesinimadu maqnaato, qorshuhu ficil ma noqdo. Haddii aqoontu maqnaato, dadaalku wuxuu noqon karaa mid aan xikmad lahayn. Haddii jacaylku maqnaadana, guushu waxay noqon kartaa mid qalalan oo aan macne lahayn.
Ninka ma ahan midka qallafsan ee qaylada badan ama murqaha wayn leh ee waa kan naftiisa xakameeya marka uu xanaaqo, masuuliyad qaata marka loo baahan yahay, go’aanka gaara marka xaaladdu adkaato, waxa uu garan waayana barta, dadka uu jecel yahayna ilaaliya oo aan dulmin.
Wuxuu leeyahay awood, laakiin dadka kuma liido. Wuxuu leeyahay aqoon, laakiin iskuma kibriyo. Wuxuu leeyahay dareen, laakiin dareenkiisu ma maamulo. Wuxuu leeyahay himilo, laakiin ma illaawo qoyskiisa.
Ugu dambayn, su’aasha is waydiinta mudan ma ahan**“Ma nin baan ahay?”**
Ee waxaa is waydiin mudan::
**“Nin noocee ah ayaan noqonayaa?”**
Ragannimada dhabta ahi ma aha wax lagu dhawaaqo. Waxaa laga arkaa noloshada qofka , waxa uu dhisayo iyo waxa uu ilaaliyo iyo raadadka uu dadka kale kaga tago.
Qofku Labnimo ayuu ku dhalan karaa, laakiin **ragannimada dhabta ah waxay u baahan tahay tarbiyad, aqoon, geesinimo, jacayl iyo shaqo joogto ah oo nafta lagu dhisayo.**
Newsletter